Murashax U Taagnaa Xildhibaanimada Aqalka Sare Oo Iscasilay

 

11-09-2021

 

Waxa uu la tartami lahaa Murashixiinta kala ah, Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), Cabdullaahi Shiikh Xasan iyo Dr. Xasan Cadaay Cali, taas oo hadda ka dhigan inay isugu soo hareen Afarta Murashax, inkastoo ay dhici karto in Murashax kale uu tanaasulo.

JOWHAR – Muxudiin Xasan Afrax oo ahaa Murashax u taagan Xildhibaanimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa Liiska Tartamayaashii uu soo gudbiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe, ayaa ka tanaasulay Ka-qeybgalka Tartanka Doorashada Xildhibaanimo ee dhawaan lagu qaban doono Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jowhar.

Waxa uu la tartami lahaa Murashixiinta kala ah, Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), Cabdullaahi Shiikh Xasan iyo Dr. Xasan Cadaay Cali, taas oo hadda ka dhigan inay isugu soo hareen Afarta Murashax, inkastoo ay dhici karto in Murashax kale uu tanaasulo.

Muxudiin Xasan Afrax waxa uu kamid ahaa Afartii Sanno ee lasoo dhaafay Raggii u ololeynayay oo difaacayay Siyaasadda Jahwareerka ee Madaxweynaha waqtigu ka idlaaday ee Farmaajo.

Xogo hoose oo ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in qaar kamid Murashixiinta Aqalka Sare ee Hir-shabelle ay ku tashanayeen Awooddii Fahad Yaasiin kahor inta aan Xilka laga qaadin, haddane waxey la’yihiin Lacagtii ay isku diiwan gelin lahaayeen maadaama Liiska lagu soo daray; Guddigga doorashooyinka ee Hir-Shabelle-ne wuxuu ugu daray hal maalin oo dheeraad ah si ay isku soo diiwan geliyaan.

Isha Warkan: Keyd Media

Leave a Reply