Badhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Xildhibaan Katirsan Golaha Degaanka Oo Lagu Dilay Laascaanood

 

11/09/2021

 


Photo File | Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe)

 

LAASCAANOOD (SOLNA) – Alle ha u naxariistee waxa Caawa Fiidkii lagu dilay Magaalada Laascaanood, Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo katirsanaa Golaha Deegaanka ee Degmadaasi, sida uu Wakaaladda Wararka ee SOLNA u xaqiijiyey Badhasaabka Gobolka Sool, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Badhasaabku wuxuu sheegay in Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) lagu dilay Gurigiisa hortiisa, waxaanu sheegay inay jiraan Dad baadhis lagu wado oo loo xidhay Dilkaasi.

Badhasaabka Gobolka Sool wuxuu sheegay inay Ciidammada Ammaanku wadaan Hawlgal ballaadhan oo lagu raadinayey Ciddii falkaas geysatay.

Badhasaabku wuxuu cambaareeyey Dilkaas foosha xun, waxaanu u tacsiyadeeyey Qoyskiisii iyo Shacbiga Gobolka Sool.

Xildhibaankan ayaa kamid ahaa Golaha Deegaanka ee cusub, waxaanu ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Leave a Reply