Wasiir Koowaad Rooble Baa La Kulmay Guddiyada Doorashooyinka

 

31-08-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xigaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xallinta Qilaafaadka, wuxuuna Sharaxaad ka siiyay Geeddi Socodka Doorashada, isagoone ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, Doorashadana u maamulaan si hufan.

Wasiir Koowaadka ayaa Guddiyada uga warbixiyay Dadaallada Dowladda ay ugu jirto Dar-dargelinta Doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay hirgeliyaan Habraacyada u degsan Hannaanka Doorashada.

Maalinta Beri (01-09-2021) ayuu Jadwalku ahaa in ay bilowdaan Doorashooyinka Kuraasta Golaha Baarlamaanka, balse waxaa muuqata in uu dibu dhac ku yimid, iyadoo weli aan la dooran Kuraasta qaar ee Golaha Aqalka Sare.

Isha Warkan: RadioKulmiye

Leave a Reply