Senatore (Senator) Muuse Suudi Yalaxow Ayaa Soo Dhaweyn Weyn Loogu Sameeyay Xarunta Iminka Ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle

 

31-08-2021

 

JOWHAR – Senatore (Senator) Muuse Suudi Yalaxow ayaa Maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar ee ah Xarunta Iminka ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Soo-dhoweynta Senatore (Senator) Muuse Suudi Yalaxow oo aheyd mid Heerkeedu sareysay, ayaa waxaa ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, Wasiiro katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Magaalada Jowhar, Qeybaha Bulshada, iyo Barbaarta Gaashaaman.

Dhoolatuska Soo-dhoweyntan Senatore (Senator) Muuse Suudi Yalaxow loogu sameeyay Magaalada Jowhar, ayaa waxa ay muujineysa inuu Senatore Muuse Suudi uu Taageero Weyn ka haaysto Bulsho Weynta.

Kursiga uu ku fadhiyo Mudane Muuse Suudi Yalaow oo hadda loo tartami doono, ayaa wuxuu yahay kan ugu culus Siddeeda Kursi ee laga qorsheynayo in dhawaan looga tartamo Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ugu dambeynti, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdulaahi Xuseyn (Cali Guudlaawe) ayaa lagu wadaa in dhawaan uu shaacin doono Xubnaha Murashixiinta Aqalka Sare ee ka socdo Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Isha Warkan: Jowhar News

 

Leave a Reply