Howlgalka UN-Ka Ee Soomaaliya Oo Muddo Kordhin Loo Sameeyay

 

31-08-2021

 

NEW YORK – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Kulan yeeshay ayaa waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageeradda Soomaaliya (The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

15ka Xubnood ee Golahaasi ayaa waxay isku raaceen in Hawlgalka UNSOM Muddo 9 Bilood loogu kordhiyo Xilli Hawleedkooda oo ku ekaan lahaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 31ka Agoosto (August) ee Sanadkan 2021ka.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee QM ee ay u codeeyeen oo Tirsigiisu yahay 2592 waxaa Xilli Hawleedka Cusub ee UNSOM ku ekaan doonaa Bisha Maajo (May) 31da ee Sanadka soo socda ee 2022ka.

Dhinaca kale, Go’aanka ayaa waxaa lagu xusay inuu Hawlgalka UNSOM sii wado xiriirinta Dadaalada QM iyo inay Iskaashi Buuxda la yeeshaan Dowladda Federalka iyo Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah iyo dhamaystirka Heshiiskii laga gaaray Nidaamka Doorashada ee Soomaaliya.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply