Dil Xalay Loo Geystay Askar Katirsaneed Ciidamada Dowladda Soomaaliya

 

31-08-2021

 

MUQDISHO – Waxaa soo baxayao Faah-faahino dheeraad ah oo laga helayo Dil Xalay ka dhacay Degmada Kaaraan ee Magalaada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa loo geystay Labo Askari oo katirsanaa Ciidamada Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana Dilkaasi fuliyey Dabley Hubeysan, sida lasoo sheegayo.

Labada Askari ee Dilka loo geystay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmedey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan.

Sidoo kale mid kamid ahaa Dableydii Hubeysneyd ee Dilka geystsatay, ayaa isagana lagu toogtay Goobta, halka kuwii la fuliyay Dilka Labada Askari ay Goobta ka baxsadeen.

Dilalka Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxey ku soo aadayaan Xilli Maalmihii ugu dambeeyey ay Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ka wadeen Howl-gallo lagu sheegay Sugitaanka Amniga Magaalada Muqdisho.

Isha Warkan: Radio Shabeelle

Leave a Reply