Wefdi ka Socday Hay’adaha IOM, UN, iyo OCHA Ayaa Maanta Soo Gaaray Degmada Baraawe

 

30-08-2021

 

BARAAWE – Waxa Degamada Baraawe Maanta soo gaaray Wafdi ka socday Hay’adaha IOM, UN, iyo OCHA ee Taageerada siiya Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xubnaha Wafdigan oo ka koobnaa Hay’adaha IOM, UN iyo OCHA, iyo qaar kamid ah Howl-wadeenadooda Heer Caalami ah ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Baraawe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada AMISOM.

Ujeedada ay Wafdigan u yimaadeen Degmada Baraawe, ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuur geli doonaan Xaalada Guud ee ka jirto Degmada Baraawe iyo deeganada hoos yimaada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo Wafdiga soo dhaweeyay ayaa sheegay in Madaxda Hay’adaha ay la kulmi doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka, si ay uga dhageystaan Warbixin la xiriirta Xaaladaha Bani’Aadanimo ee kajirta Degmada Baraawe iyo Degaannada hoostaga.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply