Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Turkiya

 

30-08-2021

 

ANKARA (WBW: The GBM) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo dhaweeyay Dalka Turkiya, kadib markii uu halkaasi ugu socdaalay Howlo ka dhexeeyo Dalalka Soomaaliya iyo Turkiya.

Wasiirka waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalo Madaxda Turkiya ee Ankara ku soo dhaweeyay Saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiya iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiya.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa inta uu ku suganyahay Turkiya waxaa uu la kulmi doonaa Howlwadeeno katirsan Dalka Turkiya, wuxuuna xooga saari doonno Xoojinta Xiriirka Ciidan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiya.

Dowladdaha hada ka jiro Soomaaliya iyo Turkiya ayaa waxaa ka dhexeeya Xiriir aad u baaxad weyn, gaar ahaan dhinaca Ciidanka maadaama ay Turkiya ay Saldhig Ciidan ku leedahay Dalka Soomaaliya isla markaana ay Dalkeeda ku tababarto Ciidamo Soomaali ah.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply