Maxey WK Rooble Iyo Midowga Murashixiinta, Ay Ka-wadahadleen?

 

30-08-2021

 

MUQDISHO – Maanta waxaa Magaalada Muqdisho Kulan ku yeeshay Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya, Maxamed Xuseyn Rooble iyo Xubnaha Midowga Murashixiinta, waxeyna Kulankaasi kaga hadleen Arrimo dhowr ah.

War kasoo baxay Xafiiska WK Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Labada Dhinac ay ka-wadahadleen Dardargelinta Howlaha Doorashooyinka, Turxaanbixinta Habraacyadii 24kii Bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa Wajiga Labaad ee Doorashda Golaha Baarlamaanka.

Wararka laga helay Kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Midowga Murashixiinta ay Wasiir Koowaad Rooble u gudbiyeen Tabashada ay ka qabaan Habraacii Doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Baarlamaanka oo ay dhawaan soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya, Maxamed Xuseyn Rooble iyo Midowga Murashixiinta, ayaa waxey isla gartay in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo Bilaabista Wajiga Labaad ee Doorashada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, si dhowna looga wada-shaqeeyo Arrimaha u baahan kala cadeeynta.

Kulamada u dhexeeya Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya iyo Midowga Murashixiinta ayaa sii socon doona, waxaana Xubno katirsan Midowga Murashixiinta ay Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya ay u sheegeen in aysan aqbi doonin in Doorashada lagu qabto Habraac ay kasoo horjeedaan.

Xubnaha Midowga Murashixiinta ayaa dhawaan Warsaxaafadeed ay soo saareen waxaa ay sicad uga soo horjeesteen Habraacii Doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Baarlamaanka oo ay dhawaan soo saareen Golaha Wadatashiga, iyaga oo sheegay in wixii Farmaajo ay ka diideen aysan ka aqbaleyn Madax kale.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply