Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Deegaanka Oo Kaashanaya Ciidanka Booliska Ee Gobolka Hawd Ayaa Gacanta Kusoo Dhigay Gaadhi Siday Baco Koontarabaan Ah

 

29/08/2021

 

BALLIGUBADLE (SOLNA) Wasaaradaha Maaliyadda iyo Deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaya Ciidanka Booliska ee Gobolka Hawd ayaa Gacanta kusoo dhigay Gaadhi siday Baco Koontarabaan ah oo kasoo gudbay Xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Siduu kusoo waramayo Weriyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee Magaalada Balligubadle Maxamed Jiciir, Ciidanka Booliska ee Gobolka Hawd ayaa ku amray Gaadhigii siday Bacahaasi inuu istaago, laakiin siday sheegeen Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Gobolkaasi, Darawalkii Gaadhigaasi waday ayaa diiday oo isku dayay inuu u baxsado Dhinaca Xuduudka Itoobiya, taasoo dhalisay inuu gaddoomo Gaadhigaasi siday Bacaha Koontarobaanka ah, Ciidanka Boolisku waxay intaasi ku dareen in Hawlgalkaasi aanay ka dhalan wax Khasaare Nafeed ahi.

Badhosaabka Gobolka Hawd Axmed Cige Yare oo Goobta gaadhay ayaa soo indho indheeyay Meesha uu Shilku ka dhacay. Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Maamulaha Kastamka Balligubbadle ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ugu horreyn Hawlgalkaasi ka hadlay ayaa sheegay in markii uu arkay Gaadhigaasi uu isku dayay inuu Xadka dib ugu noqdo laakiin Ciidanka Boolisku ay ka diideen isla markaana ay Gacanta ku dhigeen Bacahaasi Koontarabaanka ah ee la rabay in si Sharci Darro ah loo soo geliyo Dalka.

Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen inay fuliyeen Awaamiirtii ay Dawladda Dhexe kasoo saartay Bacaha Balaastikada ah ee Dalka lasoo geliyo. Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka oo isna Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Gaadhigaasi oo siday Baco Koontarabaan ah uu ku dhacay Banka u dhexeeya Balligubadle iyo Balli Case isla markaana ay qabteen Wadihii Gaadhigaasi waday.

Gebogebadii, Badhosaabka Gobolka Hawd Axmed Cige Yare ayaa uga mahadnaqay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Wasaaradda Horumrinta Maaliyadda, Hawlgalkan lagu soo qabtay Bacaha oo ah Badeecad laga mamnuucay Somaliland. Badhosaabku waxa uu intaas ku daray in Hawlgalkani aanu ahayn kii ugu horreeyay isla markaana aanu noqon dooniin kii ugu dambeeyay ee ay sii wadi doonaan.

Leave a Reply