UPDATE 1 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Oo Dib Ugu Soo Noqday Magaalada Jowhar

 

29-08-2021

 

JOWHAR – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ergada uu hogaaminayay Cali Guudlaawe, ayaa waxaa Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Xubno katirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, Maamulka Degmada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay Kulankii Golaha Wadatashiga Qaran ee laga soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Baarlamaanka.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), uu sheegay in dhawaan laga bilaabi doono Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Doorashada Aqalka Sare ee matalaya Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply