Is-afgarad Hordhac Oo Laga Gaaray Qilaafkii Ka Jiray Xarunta Gobolka Hiiraan

 

29-08-2021

 

BELEDWEYNE (WBW: The GBM) – Waxaa laga soo sheegayaa Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne in Kulamo ay ku yeesheen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiil hoggaamineysay Ciidankii dhawaan qabsaday Xarunti uu Gobolka Hiiraan ku shaqeynayay.

Kulamada oo ahaa kuwo Xal looga raadinayay Xaaladdii ka taagneyd Magaalada Beledweyne, ayaa waxaa lagu gaaray Heshiis Hordhac Ah oo Ciidankii la magac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan looga saarayo Xarunta Maamulka, iyo Xerada Gaaska 5aad ee Ciidanka Dowladda ee Lama Galaay.

Madaxweyne Ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqtar Xuseen Afrax, iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa balan qaaday in la fulin doono Shuruudo ay horey Ciidanka la magac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan, ay ku xireen Ka-bixitaanka Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa dalbaday In aanan loo raacanin wax daalac ah, la bar tilmaameedsan, laguna soo oogin kiisas Maxkameed, in loo fasaxo Mushaaraad horey looga xayiray iyo in dib loogu celiyo Xilal ay ka hayeen Ciidamada kala duwan oo laga qaaday.

Ciidamadan ayaa kasoo horjeedo Socdaal la sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), uu Booqasho ku yimaado Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, waxaana dhacay Banaanbaxyo lagu diidan yahay Booqashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe, ee Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Duqa Magaalada Beledweyne, iyo Mas’uuliyiinta kale ee Maamulka ayaa Maanta dib ugu shaqa bilaabayo Xarumahoodii oo Maalmo kahor ay la wareegeen Ciidamo diidanaa Booqashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ka war-wareegto in Gobolka Shabeellaha Dhexe uu kamid yahay Gobolkii Banaadir (Shabeellaha Dhexe, Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose); wax Shaqo ahna uusan ku laheyn Gobolka Hiiraan.

Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sideedaba ka koobnaa jirtay 8 Gobol (Jubada Hoose, Jubada Sare, Banaadir [Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe], Hiiraan, Mudug, Bari, [Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed oo hada ah Somaliland ]) markii ay abuurantay 1dii Luuliyo sanadkii 1960kii.

Markaasi waxaa Habka Federaaliga u ololeyn jiray Shiikh Cali Jimcaale Baraale, Xaaji Baraako iyo Cabdulqaadir Soobe oo markaasi aad loo mucaaradi jiray.

Waxaa xegtay in Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo kaashanayo 20 Sarkaal oo katirsanaa Ciidamada Xooga Dalka; iyo 4 Sarkaal oo katirsanaa Ciidamada Boliiska uu Taladii Dalka Soomaaliya uu xoog kula wareego Tariikhda markey aheyd 21dii Oktoobar Sanadkii 1969-kii.

Sanadkii 1971dii waxaa uu bilaabay in Gobolkii Banaadir uu u kala qeybiyo 3 gobol, isagoo ka kala dhigay Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe.

Kala qeybinta gobolada waa uu sii wadoo, ilaa uu ka gaarsiiyo 18 Gobol uu kusii saleeyay qabiil.

Gobolka keliya ee uusan kala qeybin waxaa uu ahaa Gobolka Hiiraan, waxaana ugu wacneyd., iyada oo Gobolka Hiiraan uu ahaa gobolka ugu baaxada yar 8da gobol.

Hadabo halkii dib loo sixi lahaa Qaladaadkaasi, ayaa hada lasii sharciyeynayaa Qaladaadkii Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo Qaladaadkii uu abuuray Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte Mudadii la dhahaayay waa ‘Madaxweynaha Soomaaliya’, waxaana sii sharciyey rabo ‘Madaxweynaha Hada Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Wasiir Koowaadkiisa Xilgaarsiinta Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Weydiinta waxaa ay tahay: sidee bey marka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dib ugu istaagi kartaa, iyadoo aanan dib loo sixin Qaladaadkaasi?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply