Shir Ay AMISOM Ka Yeelatay Sidi Ay U Dedijin Laheyd Howlgalada Ay Soomaaliya Ka Wado

 

28-08-2021

 

MUQDISHO – Taliyeyaasha Ciidanka ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo Howlgallada Wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan Labo Maalmood ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo la xiriiray Xoojinta Amniga Doorashada iyo Udiyaar-garowga Howlgalka AMISOM ee Sanadkan 2021ka.

Kulankaasi waxaa Mudadii uu socday ay Taliyeyaashu ku ku qiimeeyeen Horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Howlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo Hirgelinta Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

Isha: Radio Muqdisho

Leave a Reply