Dab La Qabadsiiyay Xaruntii Keydka Dawada Ee Hay’dda Bisha Cas ee Degmada Baardheere

 

28-08-2021

 

BAARDHEERE – Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dad careysan ay Maanta Dab qabadsiiyeen mid kamid ah Xarumaha Hay’adda Bisha Cas ay ku leedahay Degmadaasi.

Dabka ayaa baabi’iyay dhammaan Qaybaha Xarunta Dawada ee Hay’adaasi ka koobneyd, inkasto Dadaalo ay Dadka Deegaanka qaarkood ay sameeyeen, aanay ku guuleysan inay ka hortaggaan Waxyeelada uu Dabku gaystay.

Muuqaalo laga soo qaaday Xaruntaasi ayaa muujinaya Dhismaha Xaruntaasi oo guud ahaan bas beeshay.

Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya Sababta ay Dadkaasi ay Dabka u qabadsiiyeen Xaruntii Keydka Dawada ee Hay’adda Bisha Cas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dadkaasi ay ka caroodeen mid kamid ahaa Shaqaalaha Hay’adda oo Shaqada laga eryay.

Taliyaha Booliska ee Degmada Baardheere, Gaashaanle Cabdicasiis Sheekh Xasan ayaa sheegay in Falkaasi ay ka dambeeyeen Sideed Qofood, kuwaa oo Toddobada ka mida ah ay Gacanta ku soo dhigeen; midkii kalena ay ku daba jooggaan, sida uu sheegay.

Masuuliyiinta Hay’adda Bisha Cas ee Gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin Tallaabada lagu gubay mid kamida Xarumahoodi eei Degmada Baardheere.

Dhacdadan oo ka careysiiyay Dadka Deegaanka, ayaa noqotay mida loogu Hadalhaynta badan yahay ee Degmada Baardheere.

Isha Warka: Universal TV Somali

Leave a Reply