Howlgalo Xalay Laga Fuliyey Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho Ee Gobolka Banaadir

 

27-08-2021

 

MUQDISHO – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa Xalay Howl-gal qorsheysan ka sameeyey Xaafado katirsan Degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijinayey Amniga Degmada Yaaqshiid.

Saraakiisha horkaceysay Howl-galka ayaa sheegay inay ku baxeen Kooxo Burcad ah oo Cabasho ay kasoo gudbiyeen Dadka Deegaanka, isla markaana ay Gacanta kusoo dhigeen.

Ragga la soo qbatay oo Afar ah, isla-markaana hubeysnaa ayaa lagu raadjoogay Maalmihii lasoo dhaafay, kadib Cabasho ay kasoo gudbiyeen Shacabka ku dhaqan halkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in Raggan ay ahaayeen Burcad dhac u geysaneysay Dadka, isla-markaana ay u sii gudbin doonaan Hay’adaha ku shaqada leh, si Maxkamad loo soo taago.

Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan Howl-gallada lagu xaqiijinayo Amniga Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, si looga hortego Amni darrada.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply