Goleyaasha Deegaanka Ee Degmooyinka Burco, Oodweyne, Caynaba, Sheekh Iyo Buuhoodle Oo Tabobar U Furmay

 

27/08/2021

 

BURCO (SOLNA) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Machadka Dawladdaha Hoose ee Dalka Somaliland oo kaashanaaya Hay’addaha ka shaqeeya Mashruuca UNJPLG ayaa Shalay daah furay Qaybtii Saddexaad ee Tabobarka Goleyaasha Deegaanka.

Tabobarkan ayaa waxa qaadanaayey Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Burco, Oodweyne, Caynaba, Sheekh iyo Buuhoodle, waxaanu si rasmi ah Tabobarkani uga furmay Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Furitaankii Tabobarkan waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Md Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Naasir Caydiid, Maayarka Magaaladda Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi iyo Maayarka Magaaladda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Maayiradda Magaalooyinka Burco iyo Buuhoodle Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi iyo Khadiija Axmed Aadan oo soo dhoweeyey Tabobarkan Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Burco, Oodweyne, Caynaba, Sheekh iyo Buuhoodle uga furmay Magaaladda Burco.

Dhinacoodana Badhasaabadda Goboladda Togdheer, Buuhoodle iyo Saraar oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa kula dardaarmay Xubnaha Goleyaasha Deegaamadda ee Tabobarkani u furmay in ay ka faa’iidaystaan Tabobarkan, isla markaana ay ku dabaqaan Shaqooyinka ay Ummada iyo Qaranka Somaliland-ba u hayaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Siciid Axmed iyo Agaasimaha Machadka Dawladdaha Hoose Iid Muuse Maxamed oo iyaguna halkaas Hadalo ka jeediyey ayaa tilmaamay in Tabobarkaas lagu baran doono Mudada uu socdo Nidaamka Shaqo ee Goleyaasha Deegaanka iyo Masuuliyaddahooda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Naasir Caydiid oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey Maraaxilkii ay Tabobaraddani soo mareen, iyaga oo ku guubaabiyey Xubnaha Tabobarka qaadanaayey in ay ka faa’idaystaan Tabobarkan, kuna dabaqaan waxyaalaha ay barteen Shaqadooda.

Leave a Reply