Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ayaa Beenisay In La Qabsaday Deegaano Katirsan Gobolka Mudug

 

27-08-2021

 

DHUUSAMAREEB – Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa beenisay in lagala wareegay Deegaano katirsan Koofurta Mudug oo ay hore uga qabsadeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Shire Falagle oo Wareysii siiyay Warbaahinta ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Ururka Al-Shabaab ay dib ula wareegeen Deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Axmed Shire Falagle Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Wararkaasi ay yihiin kuwa Dacaayad ah oo Al-Shabaab ugu talo galeen in ay ku niyad jabiyaan Shacabka Gal-Mudug iyo Dedaalada socda.

“Ma jirto Sabab ay Ciidamada Gal-Mudug uga soo baxaan Magaalooyinka ay qabsadeen waxana ay hadda ku howlan yihiin sidii ay Ciidamadu horay ugu socon lahaayeen,”ayuu yiri Wasiir Falagle.

Warar soo baxay Shalay ayaa sheegayay in Kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegeen Magaalooyinka Camaara, Bacaadweyne, Qeycad iyo Shabeelow.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply