Faah-faahino Kasoo Baxaya Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Jubbada Hoose

 

26-08-2021

 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qasaarihii ka dhashay Dagaallo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dagaallada ayaa yimid, kadib Weeraro ay Dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Jasiirada Kudhaa iyo Deegaanka Hoosingow.

Ilo Dadka Deegaanka ah, ayaa innoo sheegay in Labada Dhinac ay isku adeegsadeen Hubka noocyadiisa kala duwan isla-markaana uu jiro Qasaare, balse aan la caddeyn karin.

Xaaladda ayaa Haatan deggan, waxaana Goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo Dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply