Dagaalo Maalintii Labaad Dhexmaraya Soomaalida Iyo Canfarta, Iyo Qasaarihii Ka Dhashay Dagaalka

 

26-08-2021

 

Waxaa Maalintii Labaad oo xiriir ah galay Dagaalo dhexmaraya Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo la soo sheegayo in Qasaaraha ka dhashay ay kordheen.

Dagaalada ayaa waxaa la sheegay in Maleeshiyaadka Soomaalida ay isku fidiyeen Dhul horleh sida Degaannada Roto, Tarayna, ilaa Birta-dheer, kuwaas oo waxyar u jira Magaalada Cadayti oo ay ku xoogan yihiin Maleeshiyaadka Canfarta.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaalada ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 Ruux, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana labada dhinac ee dagaalamaya oo Xoolo Dhaqato u badan soo kala gaaraya Gurmadyo xoogan.

Dagaaladan ka socda meelo kamid ah Dowlad Degaanka, ayaa waxaa ay ka dambeeyeen markii Maleeshiyaadka Canfarta ay weerareen Dad Soomaali ah oo Degaanadooda ku sugan, waxaana weli ka aamusan Dowladda Itoobiya maadaama Dagaalo kale ay uga furan yihiin Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.

Xigasho: Radio Risaala

 

Leave a Reply