Ciidamo Ay Dowladda Ugaanda Usoo Direyso Soomaaliya Bisha Soo Socoto

 

26-08-2021

 

Dowladda Ugaanda ayaa shaacisay in ay horraanta Bisha soo socota Soomaaliya usoo direyso 1,846 Askari oo ku biiraya Ciidamada AMISOM ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dowladda Ugaanda, Jen. Muhoosi Kaynertugaba (Gen. Muhoozi Kainerugaba), ayaa ku ammaanay Ciidamada Keenya in aysan u tagayn Soomaaliya si ay u helaan Dhaqaale, balse ay tahay in ay sugaan Nabadda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Arbacadii kula hadlayay 2127 Askari, Xarunta Tababarka Taageerada Nabadda ee Singo (PSO-TC) ee Degmada Nakaseke.

Wadar ahaan 1,846 oo kamid ah 2,127 oo Singo ku qaadanayey Tababar horudhac ah ayaa la geyn doonaa Soomaaliya Horaanta Bisha soo socota.

“Sababta aan ula dagaallano Al-Shabaab ee Soomaaliya waa Nabad, uma joogno Dahab, Dheeman, ama Lacag. Dadka qaar baa laga yaabaa inay sidaas u fikiraan laakiin ujeeddadayadu waa inaan ka caawino Walaalaheena sidii ay Nabad u heli lahaayeen, maxaa yeelay ma doonayno inaan aragno iyagoo rafaadsan,”ayuu yiri Sareeye Guud Kaynertugaba (Lt Gen Kainerugaba).

Uganda ayaa ahayd Dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyagoo katirsan AMISOM 2007-dii.

Xigasho: Hiran Online News

 

Leave a Reply