Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Qabsaday Bacaadweyne Iyo Camaara

 

26-08-2021

 


Al-Shabab | Sawir: AP

 

CAMAARA – Kadib markii ay dib uga soo baxeen Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee Gobolka Mudug.

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay Gudaha Deegaanadan lasoo galeen Maleeshiyaad aad u hubeysan.

Saraakiil katirsan Ciidamada Soomaaliya oo VOA ay la hadashay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan Qabsashada Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.

Talaadadii ayey aheyd markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka Gal-Mudug ay dib u qabsadeen Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen Maleeshiyada Al-Shabaab.

Isla maalinkaas, Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in Duqayn Cirka ah lala beegsaday Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, Nawaaxiga Camaara, waxaana Taliska Ciidanka Soomaaliya uu sheegay in Duqeyntaas lagu dilay 90 Maleeshiyo oo Shabaab ah.

Militariga Mareykanka ayaa goor dambe sheegay iney fuliyeen Duqeyntaas.

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply