Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Ee JSL Ayaa Laascaanood Ka Daahfuray Barnaamijka Dastuurka

 

25/08/2021

 

LAASCAANOOD (SOLNA) – Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka daahfurtay Gobolka Sool Barnaamijka Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda.

Waxaana ka faa’deysan doona Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, iyagoo ku baran doona Barnaamijkaasi Arrimaha Dastuurka iyo Shuruucda Dalka u dejisan. Waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay Isu-duwaha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Gobolka Sool Yaasiin Cumar Ciise, waxaana uu sheegay in Barnaamijkan ay ku baran doonaan ka faa’ideysatayaashu Shuruucda kala duwan ee Dalka, isagoo tilmaamay in Barnaamijkani uu anfacayo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degamada Laascaanood iyo guud ahaan Muwaadiniinta Somaliland, si ay u ogaadaan ayuu yidhi Xaqa uu Dalku ku leeyahay iyo kay Dalka ku leeyihiin iyagu.

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood Cabdiraxmaan Khadar Gaas iyo Maayar Ku-xigeenka Degmada Laascaanood Axmed Kawte oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Barnaamijka ay waddo Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Dadka lagu barayo Shuruucda iyo Xeerarka Dalka u dejisan, waxaana ay ugu baaqeen Dadka ka faa’ideysanaya Barnaamijkaasi in sida ugu habboon ay u bartaan isla markaana u fahmaan Xeerarka Dastuurka ku qoran, isla markaana ay uga faa’iideeyaan Dadka kale ee aan aqoon.

Badhosaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo gebogebadii halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood inay ka faa’ideystaan Barnaamijkaasi, isla markaana ay ku dhaqmaan Shuruucda iyo Xeerarka kala gedisan ee uu dhigaayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Leave a Reply