Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Oo Maxkamad Lasoo Taagayo

 

25-08-2021

 

Mid kamid ah Beelaha dega Koofur Galbeed, ayaa ku dhawaaqay in ay Maxakamad la tiigsan doonaan Madaxweynaha Maamul Goboleedkaas Cabdicasiis Laftagareen.

BAYDHABO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa laga gudbin doonaa Dacwad, waxaana lala kori doonaa Maxkamadaha Dalka, sida lagu sheegay War ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka Beesha Waalmugge, oo Maalmaahan kulammo Aaya Katashi ah uga socdeen Baydhabo iyo Muqdisho.

Beeshaan oo kamid ah Beelaha dega Degaannada Koofur Galbeed, ayaa waxey Lafta-gareen ku eedeeyeen inuu Beeshiisa u xoogay Halkii Kursi ee Beesha Waalmugge ku lahayd Baarlamaanka.

“Waxa ay sheegeen in Laftagareen oo fulinaya Amarka Farmaajo, uu hore Xasuuq ugu geystay Dad Shacab ah, isla markaana uu hadda ku daray Boob Doorasho, “Taas ayaa Qasab ka dhigeysa maxakamadeynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed,” ayaa lagu yiri Qoraal Beesha soo saartay.

Kursigaan uu Lafta-gareen boobay oo kamid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa Afartii Sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay, Senetor (Senatore) Ilyaas Cali Xasan oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaamiyo Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Shariif Shariif Shiikh.

Lafta-Gareen ayaa ku dhaqaaqay Tallaabo Bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yaabisay, kadib markii uu Kuraasta Aqalka Sare ee Maamulkaas ka imaanaya u xiray, kaliya Shaqsiyaad ay Xidid, Xigto iyo Xabiib yihiin, isla markaana uu ka reebay Siyaasiyiinta Miisaanka Culus ee matala Shacabka Bay iyo Bakool.

Xigasho: Keyd Media Online

Leave a Reply