Banaanbax Weyn Oo Looga Soo Horjeedo Al-Shabaab Baa Maanta Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

 

25-08-2021

 

GAALKACYO – Waxaa lagu soo waramayaa in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu Maanta ka dhacay Banaanbax Weyn oo ay dhigeen Dadweyna iyo Maamulka Magaaladaasi, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee ku yaalla halkaasi.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday Kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay Maamulka Magaalada, Wasiiro iyo Saraakiil katirsan Laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Banaanbaxan ayaa waxaa lagu taageerayey Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay ka wadaan Koonfurta Gobolka Mudug.

Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Ciidamada Huwanta ah ee Dagaalka ka wada Deegaanada Dowlad Goboleedka ka Gal-Mudug.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply