Howlgalo Ay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland Ay Ka Wadaan Buuraleyda Gobalka Bari

 

24-08-2021

 

CAL MISKAAD – Ciidammada Amniga Dowladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in Howlgallo culus oo ka dhan ah Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ay ka wada Buuraleyda Cal Miskaad ee Gobalka Bari.

Howlgaladan ayaa si gaar ah uga socda Agagaarka Degmadda Balli-dhidin iyo Deegaanada hoostaga, waxaana ay dabada socdaan Weerar ay dhowaan Kooxda Daacish ay ku qaaday Degmadda Balli-dhidin, kaasoo lagu dilay Guddoomiyihii Degmadda.

Wararka ayaa sheegaya in Howlgaladan lagu burburiyay Saldhigyo Cusub oo Kooxda Daacish ka sameysatay Dhulka Buuraleyda, sidoo kalena la gaarsiiyay Qasaare.

Ma jirto wax War ah oo ilaa hada kasoo baxay Hay’adaha Amniga ee Dowlad Goboleedka Puntland, kaasoo ku saabsan Howlgalada Maalmahan ka soconaya Buuraleyda Gobalka Bari.

Isha Warkan: Somali Weyn News

Leave a Reply