Ciidamo Gurmad Ahaa Oo Dib Ula Wareegay Magaalada Camaara

 

24-08-2021

 

CAMAARA – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa dib ula wareegay Deegaanka Camaara oo Saakay Weerar ku bilowday Qaraxyo ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Gurmad Ciidan ay ku sii qul-qulayaan Magaalada Camaara, kuwaasi oo ka baxay Deegaanada Baxdo iyo Bacaadweyn.

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa wada Abaabul Dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo Deegaanada ka agdhow Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug.

Isha Warkan: Radio Kulmiye

Leave a Reply