Xukun Ay Maxkamadda Ciidamada Ay Ku Riday Nin Katirsanaa Daacish

 

23-08-2021

 

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay Xukun ku riday Nin la sheegay in uu katirsanaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, una qaabilsanaa Daacish, dhinaca Xawilaadda Lacagaha.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2008dii, isla markaana Tababarkiisii ugu horreeyay uu ku qaatay Magaalada Jilib, gaar ahaan Arbaay Cabdi, isaga oo qayb ka ahaa Jabhado Weerar ku qaaday Magaalada Muqdisho Billowgii Dowladdii KMG ahayd, kuna dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho ka socday Xilligaas.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Sida ayaa waxaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale Sanadkii 2016dii uu u goostay Kooxda Daacish in uu ku biiro, waxa uuna Xiriirka Kooxda uu ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Al-Shabaab.

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayay Daacish u wakiilatay kala gudbinta Lacagta, waxa uuna ku lahaa diristiisa Lacagta, Qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray Fududaynta Howshaas.

Ciidamada Hay’adda Nabadsgida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale Bishii 3aad Ee Sanadkan ku qabatay Eedeysanaha 19 Kun oo Doollarka Maraykanka ah.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa intii uusan ku biirin Daacish 2016dii, waxa uu ahaa Al-Shabaab ilaa 2008dii, sidoo kale waxa dhaawac ka soo gaaray Dagaalladii u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Dowladdii KMG ahayd ee uu Hogaanka u hayay Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa codsaday In loo naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan Lacag Diris.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ku xukuntay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana Maxkamaddu sidoo kale sheegtay in Sanadihii 2019-2020 uu u isticmaalay lacag ka badan $400,000, isla markaana Lacagtaasi ay u gacan gashay Qaarkeed Muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Itoobiya oo ku sugan Dalka Koonfur Afrika.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply