Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan

 

23-08-2021

 

BALADWEYNE – Maanta waxaa Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne laga dareemayaa Deganaasho kadib markii ay Xaalad Kacsanaan ah ay ka jirtay Habeenimadii Xalay.

Xaalada Kacsanaanta ah ayaa Magaalada Baladweyne kusoo korortay, kadib markii Ciidamo katirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Dowald Goboleedka Hir-Shabeelle ay Xalay Fiidkii la wareegay Dhamaan Xarumahii Muhiimka u ahaa Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo diidan Imaanshaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo lagu waday inuu Maanta oo Isniin ah uu si Qasab ah looga dajiyo Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, waxaa Magaalada Baladweyne Xalay ruxay Boqolaalo Dadweyne oo dhigayay Banaanbaxyo Xoogan oo ay uga soo horjeedaan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle isla markaana ay ku taageerayaan Ciidanka la magac-baxay Badbaado Hiiraan oo hee la wareegay guud ahaan Magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne waxaa Xalay sidoo kale Gudaha usoo galay Ciidamo Daacad u ah Hoggaamiyaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Jeneraal Abuukar Xuud oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Dowladdahii Dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaasoo Muddo 10 Bilood ah ay Ciidankiisa hortaagan yihiin in Magaalada Baledweyne uu yimaado Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe.

Jawiga Siyaasadeed ee Magaalada Baladweyne ayaa si weyn isku badalay, kadib markii Todobaadkii lasoo dhaafay ay Magaalada Baladweyne soo gaareen Siyaasiyiin la sheegay iney ahaayeen Daneysteyaal oo doonaye iney kasoo muuqdaan Doorashada soo socota ee Aqalka Sare iyo tan Aqalka Hoose ee Deegaan Doorashadiisa tahay Hir-Shabeelle; gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply