Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada London

 

23/08/2021

 


Magaalada LONDON | Sawirka: Reuters

 

LONDON – Nin Soomaali ah ayaa Gelinkii-dambe ee Shalay lagu dilay Xaafadda Leyton ee Bariga Magaalada London ee Dalka UK, oo Soomaali badan ay dagan tahay.

Ninkan oo lagu weeraray Mindi ayaa geeriyooday kadib markii Kooxaha Gurmadku ay la gaareen Cisbitaal aan ka fogayn Goobta uu Dilku ka dhacay.

Booliska London ayaan wali shaaca ka qaadin Magaca Qofka la dilay ee Soomaaliga ah iyadoo Dilka dhacayna uu qeyb ka yahay Weerarada Mindiyaha ee Muddooyinkan kusoo badanayey London.

Todobaadkan oo kaliya waxaa dhacay 7 Dil oo loo adeegsaday Mindi, sida ay Booliska London sheegeen.

Hadaba Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa Khadka Taleefanka kula xiriiray Bashar Cabdirisaaq oo ah Goobjooge aad ugu dhowaa Goobta uu ka dhacay Dilku, waxaana uu ku bilaabayaa wixii uu arkay.

HALKAN KALA SOCO Nin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada London

– VOA Somali

Leave a Reply