Midowga Murashixiinta Ayaa Ka Soo Horjeestey Habraacii Ka Soo Baxay Shirkii Wadatashiga Qaran

 

23-08-2021

MUQDISHO – Waxaa lagu soo waramayaa in Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay ka soo horjeesteen Habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa Doorashada Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka.

War Saxaafadeed ay soo saareen Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay ku tilmaameen Habraacii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran inuu qilaafsan yahay Dastuurka Dalka iyo Heshiiskii 27tii Bishii Maajo (May) oo dhigayay in Doorashooyinka ay ku dhacaan si Cadaalad oo Xor iyo Xalaal ah.

Midowga Murashixiinta ayaa dalbaday in 135-da Odayaasha Dhaqanka ay Saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada.

Halkan hoose baa laga aqrisan karaa War Saxaafadeedka ay soo saareen.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply