Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Oo Tabobar U Furtay Xubnaha Goleyaasha Degaanka Ee Qaar Kamida Gobolada Galbeedka Dalka

 

22/08/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Sida uu ku soo waramaayo Wariyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama Magaalada Boorama Abokor Xasan Caafi, Tabobarkaasi waxa uu u furmay Goleyaasha Degaanka ee Degmooyinka Boorama, Saylac, Baki iyo Lughaya, waxaanuu ku saabsanaa Horumarinta Degmooyinka, Kor U-qaadida Aqoonta Xubnaha Goleyaasha Degaanka Degmooynkaas iyo sidii Xubanahaas loo fahansiin lahaa Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, kaas oo Nuqulo kamid ah loo qaybiyay Xubnihii Tobobarkaas qaadanaayay.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axemd Caalin (Tiimbaro), Maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, Agaasimaha Guud ee Wasaardda Arrimaha Gudaha Siciid Axmed Jibriil, Madaxa JPLG Maxamed Maxamuud Cumar, Guddoomiyaha Gobolka Salel Mawliid Maxamed Nuur, oo halkaas ka hadlay ayaa Xubnaha Goleyaasha Degaanka ee Tobarkaas qaadanaayay u soo jeediyay in Casharada ay ka korodhsadaan ay kana hawl-galaan Goleyaasha ay Xubnaha ka yihiin ee Degmooyinkii loo doortay, isla markaana ay ku dhaqmaan Xeerka Gobolkada iyo Degmooyin.

Ugu dambayn Naasir Caydiid Maxamed ayaa Sharaxaad ka bixiyay Xeerarka kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ka maamusho Goleyaasha Degaanka iyo Muuhiimada ay leedahay, si aanay ugu xad gudbin Xeerarkaas, noqdaana kuwa wax u qabta Bulshada. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cumar Cabdillaahi Badde ayaa isna kula dardaarmay Xubnahaasi in ay Xil iska saaraan Horumarinta Degmooyinkaas ay Masuulka ka yihiin, ilaaliyaana Xeerarka Dalka ee la xidhiidha Maamulka Degmooyinka.

Leave a Reply