War Saxaafadeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

 

22-08-2021

 

MUQDISHO – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa War-murtiyeed kasoo saaray Shir Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay uga socday Magaalada Muqdisho, kaasi oo Heshiis looga gaaray Habraacyada Doorashooyinka Dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7 Habraac oo looga heshiiyey Doorashooyinka, kuwaas oo kala ah kuwa soo socdo:

1) Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada

2) Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada

3) Habraaca Xulista Ergada Doorashada

4) Habraaca Amniga Doorashada

5) Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka

6) Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland

7) Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha ayaa isla qaatay in Ergooyinka Doorashada ee dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ay soo xulaan Duubabka, Nabadoonada ka diiwaan gashan Xukuumadda iyo Bulshada Rayidka, taas oo ay hubinayaan Guddiga Doorashada Heer Dowlad ee Heer Federal.

Ergada Somaliland ay soo xulayaan Duubabka, Nabadoonada iyo Bulshada Rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland iyo Xafiiska Wasiir Koowaad Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan Heshiiskii 27kii Maajo (May), waxay go’aamiyeen in la abuuro Guddiga Amniga Doorashada oo ka kooban 10 Xubnood oo ka kala imaanaya Talisyada Maamulka, Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Wasiir Koowaadka.

Halkan Hoose Baa Laga Aqrisan Karaa War-murtiyeedka


Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply