Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Ayaa Galay Maalintiisii 2aad

 

22-08-2021

Waxaa Maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi ay ka qayb galayaaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish).

MUQDISHO – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Shalay ka furmay, Xarunta Ciidamada Cirka ee Afisyooni (Aviazione) ee Magaalada Muqdisho, ayaa galay Maalintiisii 2aad, kaas oo ay ka qeybgalayaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulanka Maanta, waxaa gudaha loo gali doonaa Ajandayaasha Shirka ee Shalay la isku afgartay, waxaana si guud Shirkaan diiradda lagu saari doonaa, U-diyaargarowga Doorashooyinka Golaha Shacabka, Diyaarinta Habraacyada Doorashooyinka, iyo Raadinta Dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya Doorashooyinka.

Qaar kamid ah, Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa Miiska soo saari doona, Labo Arrimod oo kala ah in la dhimo Tirada Ergooyinka dooraneysa Xildhibaannada Aqalka Hose iyo Tirada Degaannada ay Doorashooyinku ka dhacayaan, Qodobadaas ayaana qeyb ka ahaa Heshiiskii 17kii Sebtember lagu gaaray Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqisho.

Golaha Midowga Murashixiinta Sooomaaliya ayaa hore uga dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble, in uu ballaariyo Shirkan looga arrinsanayo Wajiga Labaad ee Doorashooyinka gaar ahaan kuwa Aqalka Sare. Hayeeshee, qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa diiday Dalabkaas.

Xigasho: Keyd Media Online

Leave a Reply