Hub Ay Qabteen Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya

 

22/08/2021

 

MAGAALO-QARAN – Ciidanka Xooga Gaarka Ah ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Kantaroolka Magaalo-qaran, oo kamid ah Degaanada Dowlad Degaanka ee Soomaalida Itoobiya ayaa waxey ku qabteen Hub Sharci Darro ahaa.

Hubka ayaa Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlad Degaanka, ayaa waxey sheegeen in lagu waday Gaari, waxaana la socday Rasaas badan oo Jawaano la dhex-geliyay , kuwaasi oo la doonayay in la geliyo halka lagu magacaabo Magaalo-qaran

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowlad Degaanka waxaa ay sheegeen inay Ciidamada markasta heegan ugu jiraan ka hortaga Waxyaabaha halis galinaya Bulshada iyo Amniga.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ay sidaan oo kale ku qabteen Hub badan, kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay isku adeegsanayeen Qowmiyadaha kala duwan ee dega Itoobiya oo Soomalida ay kamid tahay.

Xigasho: Qaran Media Group

Leave a Reply