Madaafiic Lagu Garaacay Caasimadda Gal-Mudug

 

21-08-2021

 

DHUUSAMAREEB – Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Mamaul Goboleedka Gal-Mudug ayaa Caawa si weyn looga maqlayaa dhawaqa Hoobiyeyaal la sheegay in Magaaladaasi lagu garaacayo, Xili Dadka Degaanka ay soo food saartay Cabsi xooggan oo ku aaddan arrintaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Haatan ay Magaalada ka taagan tahay Cabsi aad u xooggan, waxaana Wararku intaasi ku darayaan in Garoonka Diyaaradaha (Airport) Caasimadda Gal-Mudug ee Dhuusamareeb lagu gaaracay Madaafiic, sidoo kalena waxaaa socda oo la maqlayaa Rasaas xooggan.

Wali ma cadda Cidda sida rasmiga ah usoo weerartay Garoonka Diyaaradaha (Airport) Dhuusamareeb, balse Dadka Degaanka ayaa soo sheegaya in Xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyadoo cabsi ay soo foodsaarat Dadka ku nool Caasimadda Gal-Mudug ee Dhuusamareeb.

Isha Warka: Radio Dalsan

Leave a Reply