Martiqaad Ay Sacuudi Caraabiya U Fidisay Wasiir Koowaad Rooble Iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

 

20-08-2021

 

RIYAAD – Waxaa lagu soo waramayaa in Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ay Martiqaad Rasmi ah u fidisay Golaha Wadatashiga Qaranka, gaar ahaan Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Maalmaha soo socdo uu Wasiir Koowaad Maxamed Xuseyn Rooble, iyo Shanta Hoggaamiye Goboleed ee Dalka Soomaaliya ay tegi doonaan Magaalo Madaxda Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ee Riyaad, halkaasi oo ay wada-hadallo kula yeelan doonaan Madaxda Sare ee Dalkaasi.

Sacuudiga ayaa la sheegay inuu Qorshe Weyn ka damacsan-yahay Martiqaadka uu u fidiyay Wasiir Koowaad Rooble iyo Madaxda 5ta Dowad Goboleed ee Soomaaliya, maadaamna Doorasho la galayo.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay Dowladaha Saameynta Siyaasadeed iyo mida Dhaqaale ku leh Jamhuuriyadda Soomaaliya, inkastoo Xiriirka ay la laheyd Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne-heedabba uu xumaa Afartii Sano ee la soo dhaafay.

Isha Warkan: Daafeet News

Leave a Reply