Faahfaahino Kasoo Baxaya Dagaal Saakay Ka Dhacay Deegaan Katirsan Degmada Afgooye

 

20-08-2021

 

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxey sheegayaan in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar xoog leh ay ku soo qaadeen Deegaanka Sabiid oo illaa 8 km Dhinaca Koofur kaga beegan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal xoog leh ayaa wuxuu ka dhacay Deegaank Sabiid, iyadoo Ciidamada Dowladda ee halkaa ku sugan iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab uu Dagaal xoog leh ku dhex maray, waxaana la sheegay in Dagaalka uu ka dhashay Qasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Al-Shabaab ayaa waxa ay Baraheeda Bulshada ay ku daabacday inay la wareegeen Deegaanka Sabiid, hase yeeshee Saraakiil u hadashay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen Weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Deegaanka Sabiid ayaa waxaa hore dhowr jeer uga dhacay Iska-horimaad hubeysan oo dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Buundada Sabiid, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal culus oo la isku adeegaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay Dagaalka ay Al-Shabaab ku garsiiyeen Qasaaro, balse Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Barahooda ay ku leeyihiin Internet-ka, ay waxaa ay ku sheegteen inay la wareegeen Degaanka Sabiid oo hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warkan kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ee ku aadan inay Dagaal kula wareegeen Degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaan weli ka hadlin Saraakiisha Cidiamada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Afgooye.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply