Qarax Is-miidaamin Ahaay, Ayaa Magaalada Muqdisho Ka Dhacay

 

19-08-2021

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qasaarahii ka dhashay Qarax Is-miidaamin ahaay oo Caawa ka dhacay Qeybo kamid ah Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho

Qaraxan oo Jugtiisa laga maqlay meelo badan oo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Qaraxa uu fuliyey Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa, kaas oo beegsaday Maqaaxi ku taalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa Qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 Qof oo isugu jiro Askar iyo Dad Rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Aagga Qaraxa uu ka dhacay ayaa kamid ah Goobaha sida aadka ah Amnigooda loo sugo ee Magaalada Muqdisho, waxaana u dhow Xarunta Sirdoonka Soomaaliya iyo sidoo kale tan Booliska Gobolka Banaadir.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply