Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Iyo Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Heshiis Amni Wada Gaaray

 

19/08/2021

 

QORAXEY – Kulan looga hadlayay dhanka Amniga ayaa waxaa ku yeeshay Degaanka Ceel-Habreed ee Gobolka Qoraxey ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, Taliyeyaasha Ciidamada Liyuu Booliis iyo Taliyaha Booliska Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dhame Cusmaan Cali Hudey.

Kulanka oo Saacado badan qaatay ayaa intisa badan waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Sugida Amniga, waxaana laga soo saaray Afar Qodob oo muhiim u ah Amniga, kuwaas oo kala ah kuwa soo socdo:

1) In wada shaqeyn buuxda ay yeeshaan Labada Ciidan ee Booliska Guriceel iyo kan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ama Degaanka Soomaali Galbeed.

2) In si wadajir ah looga wada shaqeeyo Xalinta Beelaha ku dagaalama Xadka uu Gobolka Galgaduud la wadaago Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

3) In la iska kaashado Qabashada Maandooriyaha, gaar ahaan Qamriga oo ay Labada Ciidan ka shaqeyaan sidii loo soo qaban lahaa Dadka ka ganacsada.

4) In la is weydaarsado Dadka baxsadka ah ee Dambiyada ka gala laba dhinac, kadibna u baxsada dhinaca kale.

Heshiiskaan la xiriira Dhanka Amniga oo ay wada gaareen Taliyaha Booliska Degmada Guriceel iyo Taliyaha Ciidanka Liyuu Boolis ayaa waxaa soo dhaweeyay Dadka ku nool Degaanka Ceel Habreed ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (Degaanka Soomaali Galbeed).

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply