Banaanbax Looga Soo Horjeedo Ciidanka AMISOM Oo Maanta Ka Dhacay Taalada Daljirka Dahsoon Ee Muqdisho

 

19-08-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Banaanbax looga soo horjeedo Dilkii dhawaan Ciidankaa AMISOM ay Dadka Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ugu geysteen, ayaa waxuu Maanta ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid ahaayeen — DIL GARDARO AH DOONIMEYNO, XASUUQ DOONI MEEYNO iyo Erayo kale ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Dilkaasi.

Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay si Xaqdaro ah u dileen Dadka Shacabka, Falkaasina uu ahaa mid Xasuuq ah oo loo geystay Dad Beerahooda ku sugan.

Banaanbaxayaasha waxaa kale ay sheegeen in ay sii wadi doonaan Banaanbaxyada looga soo horjeedo Xasuuqa ay Ciidanka AMISOM ka geysteen Degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeysti waxey Banaanbaxayaasha daboolka ka qaadeen in Ciidanka AMISOM ay dhowr jeer sidan oo kale ay u dileen Dad Beeraleey ah, waxeyna Dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in wax laga qabto Xasuuqa ay Ciidanka AMISOM ka geysanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply