Walaac Ay Golaha Midowga Musharaxiinta Ka Muujinayaan Hanaanka Doorashada Dalka Soomaaliya

 

19-07-2021

 

MUQDISHO – Kadib Kulan Saacado badan qaatay oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xubahana Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa waxey Walaac Xoogan kaga muujiyeen Qaabka ay u socdaan Howlaha Doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxey Baaq Deg-deg ah u direen Madaxda Fedaraalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxeyna Kulankooda kasoo saareen Bayaan ay ku cadeynayaan Caqabadaha ku hor gudboon Habsami U Socodka Doorashada Dalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Bayaankooda ku sheegay iney wali jirto Faragilin uu Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku haayo Hanaanka Doorashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Jamhhuriyadda Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan Guddiga Doorashooyinka ay shaaciyeen Jadwalka Doorashada Aqalka Sare Waqtiga ay dhaceyso.

Halkan hoose ayaa lagala socon karaa Bayaanka ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply