Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Oo Kahor Timid Qoraalkii Ka Soo Baxay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha

 

19-07-2021

 

BELED WEYNE – Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa si kulul uga hor timid Hadalkii kasoo yeeray Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaaso ahaa in aysan macquul ahayn in doorasho lagu qabto Magaalada Beled weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ahna Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq oo uu weheliyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo goordhaw Shir Jiraadi ku-qabtay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Balad Weyne ayaa si kulul kaga hadlay Arrintaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay u gafeen Dadka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Bulshada ku nool Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale uu intaasi ku daray in Midowga Musharixiintu ay doonayaan inay Doorshada ka wareejiyaan Magaalada Beled Weyne, taasi oo uu ku tilmamay in ay tahay mid Nidaamka baalmarsan sidoo kalena lagu dulminayo Shacabka Reer Beled Weyne.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq ayaa beeniyay Warka Midowga Musharaxiinta, asigoo sheegay inay Qas iyo Fowdo kawadaan, islamarkaan Beled Weyne Doorsho Lagu qaban karo.

Ugu dambeyntii Siraaji Sheikh Isaaq ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Midowga Musharaxiinta inay Raaligalin ka bixiyaan Hadlkoodaas, ay ku shegeen in aan Magaalada Beled Weyne aysan ka dhici karin Doorasho.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad e Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq ayaa imanaya iyadoo War Saxafeede ay Xalay soo saareen Golaha Midowga Mushariixnta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ay ku sheegeen in aan doorsho lagu qaban karin Sababo la xiriiro Amaanka iyo Buuq ka jiro.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply