Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Ayaa Hee, La Kulmay Guddiga Amniga Doorashooyinka

 

18-07-2021

 

MUQDISHO – Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa Xalay Kulan diiradda lagu saarayay Sugidda iyo Xaqiijinta Amniga Doorashooyinka la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka Heer Qaran, kaas oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan (Xijaar).

Kulankan oo Muhiimadiisu ahayd sidoo Dalka uga dhici lahayd Doorashooyin Xor iyo Xalaal ah oo nabdoon ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddi Hoosaadka Amniga ee GHDHF oo wada Diyaar-garow xooggan oo la xiriira Sugidda Amniga Doorashooyinka Dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxa uu Kulano la yeelanayay Qeybaha kala duwan ee ay quseyso Doorashada Dalka.

Kulankan ugu dambeeyay ayaa imanaya Xilli dhawaan la shaaciyay Jadwalka Doorashada oo ay ku cadahay markale in Dhamaadka Bishan ay dhici doonto Doorashada Senatarada Aqalka Sare.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply