Faah Faahin La Xiriirto Meydad Laga Helay Xaafad Katirsan Magaalada Beled Weyne Ee Gobolka Hiiraan

 

18-07-2021

 

BELED WEYNE – Meydadka Laba Wiil oo Walaalo ahaa ayaa waxaa Xalay laga helay Xaafadda Buunda Eeyn ee Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan Wararka aan halkaas ka heleyno.

Labadaan Wiil ayaa laga helay Webiga Shabeelle ee Buunda Weyn, kuwaasi oo Shalay lagu waayay Biyaha Webiga, Xili ay ku dabaalanayeen, isla markaana Baadi-goob dheer kadib la helay iyaga oo Meyd ah.

Labada Wiil ee geeriyooday ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaalid Nuur Cadow iyo Feysal Nuur Cadow, waxaana Biyaha Webiga ka qaadeen Labadooda Kiliga Waraaballe ee Xaafadda Howlwadaag ee Beled Weyne.

Si kastaba Webiga Shabeelle ayaa waxaa horey sidaan oo kale ugu geeriyooday Dhalinyaro dhowr ah oo ku dabaalanayay Biyaha Webiga ee Beled Weyne, hayeeshee markii dambe uu qaaday, kadibna la helay iyaga oo Meydad ah.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply