GDHF Ayaa Soo Saaray Jadwalka Kama Danbeysta Ah Ee Doorashada

 

17-07-2021

 

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey Jadwalka Rasmiga ah ee Doorashada Soomaaliya, kadib Hal Sano oo Murann iyo Is-qabqabsi ah.

MUQDISHO – War Saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay Jadwalka Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF), Jadwalkaan ayaa noqonaya midka ugu danbeeya ee Doorashooyinka, kaas oo ilaalin doona Shaxda Heshiiski 29 Juunyo, Habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo, lagu gaaray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida ku cad Qodobka 2aad ee Jadwalkaan, 17ka ilaa 23ka Bishaan, ayaa laga rabaa Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada in ay Guddiga u gudbiyaan Liiska Musharixiinta Aqalka Sare, halka 25ka ilaa 28ka la qabanayo Doorashada Aqalka Sare.

Hadaba halkaan ka aqriso Shaxda Doorashooyinka ee dhawaan la soo saaray.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply