Dalalka IGAD Ayaa Ka Shiray Amniga Badda Cas

 

17-07-2021

 

BISHOFTU – Shir Saddex Maalmood socday, oo Xubnaha Dalalka IGAD ay si qoto dheer u faaqideen sidii ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Amniga, kuwa Dhaqaale iyo Degaan ee iyaga khuseeya ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa Maalintii Khamiista lagu soo gebagabeeyay Bishoftu ee Dalka Itoobiya.

Dal kasta oo IGAD katirsan waxaa matalayay Wafdi ka kooban Saddex Xubnood, Soomaaliyane waxaa matalayay Wafdi oo horkacayay Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale waxaa Shirka qeyb ka ahaa Aqoonyahanno Soomaali, Itoobiyaan, Suudaan iyo Kenyaan oo ka socda Xaruumo Cilmi Baariseed ee Gobolka.

Shirka oo uu Guddoomiye ka ahaa Danjire Reer Suudaan ah, ayaa waxaa hagayay Ergeyga Badda Cas ee IGAD.

– Radio Risaala

Leave a Reply