Ciidanka Gal-Mudug Oo Dib U Qabsaday Bacaadweyn

 

17-07-2021

 

BACAADWEYN – Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Goboleedka Gal-Mudug ayaa Maanta dib u qabsaday Degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo Al-Shabaab dhawaan qabsadeen markii ay Muddo kooban ku sugnaayeen Ciidamada Gal-Mudug.

Ciidamada Huwanta oo ka kala tirsan Qeybta 21aad ee Milateriga, kuwa Danab iyo Ciidamada Gal-Mudug oo ay Hawada Sare ka taageerayeen Diyaarado ayaa Gudaha u galay Bacaadweyn kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Al-Shabaab katirsanaa markii ay ka war heleen Duulaanka kusoo socda.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa Xalay Saq Dhexe isaga baxay Degmada Bacaadweyn, waxaana Saaka gaaray Ciidamada Dowladda, iyadoo Muuqaalo muujinayo Guusha ay gaareen Ciidamadaas, lagu soo daabacay Warbaahinta Dowladda iyo kuwa Gal-Mudug.

Ciidamada Huwanta ah ayaa horey usii dhaafay Degmada Bacaadweyn, waxeyna Al-Shabaab kasii qabsadeyn Dhowr Tuulo oo qiyaastii 6 KM u jira Degmadaas.

Shalay ayey ahayd markii gaari uu waday Qof Is-miidaamiye ahaa, uu beegsaday Ciidamada Gal-Mudug ee ku dhowaa Bacaadweyn, iyadoo Qaraxaasi ay warar iska horjeeda ka bixiyeen Gal-Mudug iyo Al-Shabaab.

Waxaa jirto Cabsi ku aadan in Kooxda Al-Shabaab ay soo qaado Dagaal rogaal celis ah inkastoo Wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaarayo ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameysteen Difaacyo adag. – Somali Weyn News

Leave a Reply