Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Hadlay Xaalada Cakiran Ee Itoobiya

 

16/07/2021

 

ADDIS ABABA – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cagjar ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in Dagaalka ka socda Itoobiya, uu u dhexeeyo kooxda TPLF oo uu Argagixiso ku tilmaamay iyo Dawladda Itoobiya.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhexeeyaa Argagixisada TPLF iyo Dawladda Federalka Itoobiya, ee uma dhexeeyo Laba Deegaan oo Dhul isku haysta. Waxaa Argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso Nidaamka hadda jira, dibna saameeyn ugu yeelato Siyaasadda Dawladda Dhexe si ay mar kale u guumaysato Shucuubaha Dalka ee Soomaalidu kamid tahay,” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in Baraha Bulshada ay taageerayaasha TPLF la dhex wareegayeen Talooyin liita, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay Kabaha u qaadayaan Dadkii horay u xasuuqday Shacabka Deegaanka Soomaalida.

“Waxaa Ayaamahan Baraha Bulshada, Talooyin liita la dhex wareegaya Taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii Shalay Kaba-qaadka u ahaa Kooxdaas markii ay xasuuqayeen Shacabka ‘Deegaanka Soomaalida’. Waxa ay rajaynayeen in Argagixisadu dumin doonto Dawladda Dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto Fursad kaba-qaadnimo oo ay Dadkooda mar kale ku dulleeyaan.” Ayuu Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cagjar raaciyay Hadalkiisa.

Kaddib markii Jabhadda Tigray ay la wareegeen Magaalooyinka Korem iyo Alamata, Gobolla kala duwan ee Dalka Itoobiya ayaa la bilaabay inay ciidamo u daabulaan Deegaanadaas.

Gobolka Amxaarada ayaa sheegaya in Kooxda TPLF ay soo weereen. Saraakiisha Gobolka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan Dagaal cusub oo ka dhan ah Ciidamada Tigray.

Ciidamada Tigray ayaa sidoo kale la wareegay Magaalooyin muhiim ah Todobaadyadii lasoo dhaafay.

– Radio Shabelle

Leave a Reply