UPDATE 2 – Buug Laga Qoray Barahii (Macalimkii), Hobolkii, Iyo Halgamaagii Maxamed Mooge Liibaan

 

16/07/2021

 

HARGEYSA (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Xalay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, lagu soo bandhigay Buug laga qoray Barahii, Hobolkii, iyo Halgamaagii Weynaa Maxamed Mooge Liibaan; iyada oo Munaasibadaasina ay kasoo qeyb-galeen Marti Sharaf aad u badan.

Buugga laga qoray Bare, Hobol, iyo Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan, ayaa waxaa lagu magacaaba Foolaad; waxaana qoray Cabdikariim Maxamuud (Xikmaawi) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadda lagu soo bandhigaay Buuga Foolaad.

Marti Sharaftii kale ee ka hadashay Munaasibadda lagu soo bandhigaay Buuga Foolaad ee laga qoray Barehii, Hobolkii, iyo Halgamaagii Weynaa Maxamed Mooge Liibaan, ayaa waxaa kamid ahaa Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Mudane Cali Xasan Maxamed, Siyaasi Nuuradiin Diini iyo Marti Sharaftii kale oo isugu jiray Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Abwaano, Haween, iyo Dhalinyaro.

Maayirka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo isna ka hadlay Munaasibadda lagu soo bandhigay Buugga laga qoray Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan, ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan; waxaanu tilmaamay in Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan uu dhintay isaga oo Sinaansho, Cadaalad iyo Nolol Soomaali oo dhan u raadinaaya iyo isaga oo Ummada Reer Somaliland Madaxbanaani u raadinaaya.

Halkan Hoose waxaa laga dhageysan karaa Labo Hees oo lasoo xulay, kana mid ahaa Heesihii uu Qaaday Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan. Heesta 1aad waxaa uu qaaday markii uu Talada Jamhuuriyadii Soomaaliya uu markii uu Talada Jamhuuriyadii Soomaaliya uu 21dii Oktoobar, 1969kii uu Afgembiga kula wareegay Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre (Afweyne) isla markaana uu baabi’yay Demoqaraadiyadii ka jirtay Jamhuuriyaddii Soomaaliya; uuna ku bedelay Habkii Kelitaliska ee soo jiray 21da Sano, 3da Bilood, 4ta Maalmood, iyo 23da Saacadood. Heestan waxaa curiyay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) Sanadkii 1970kii waxaana hada laga soo qaatay Aidrous A. Hussein. Bal Dhageysi Wacan!

Heesta 2aad ee uu qaadayo Barehii, Hobolkii, iyo Halgamaagii Maxamed Mooge Liibaan; waa Heestii Halkii Laygu Dhalay Hargeysa. Waxaa Heestan laga soo qaatay Duul Media. Bal Dhageysi Wacan!

 

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply