Madaxweynehii Hore Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Shiikh Iyo Wakiilka Gaarka Ah Ee Norway Oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka Dalka

 

15-07-2021

 

MUQDISHO – Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu Maalintii Khamiista (15 Luuliyo) uu Magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen, iyaga oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo Dib-uheshiisiinta Soomaaliya.

Mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu uga mahad celiyay Dowladda Norway Dadaalka iyo Taageerada ay marwalba la garab taaganyihiin Soomaaliya, iyo sida ay usoo dhaweeyeen Kumannaan Soomaali ah oo Dagaalladii Sokeeye ee Dalka ka dhacay ka qaxay.

Sidoo waxa ay Diirada saareen sidii ay Dowladda Norway ay Kaalin Weyn uga qaadan lahayd Arrimaha Amniga iyo Doorashooyinka la filaayo iney Dalka ka dhacaan Bilaha soo socda maadama Xiligan uu Dalku isku diyaarinaayo Doorasho.

Madaxweynihii Hore ee Dalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu Kulamo kala duwan ka wadaa Magaalada Muqdisho, isaga oo Maalintii Khamiista ee 15ta Luuliyo uu Kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseyn (Guudlaawe).

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply